Dharaaro Xusuustood Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad

0
479

Aroos weligiiba marin hawl leh buu ku majiiraaye

Malahayn manaa baad ku noqon maalin dabadeed eh

Maantana biyihii moon miyaan xamaraw kaa miijay

Nuur Dhegay

Sannadkan cusub ee 2015 bishii hore ayaan u sodcaalay Dalka Yemen ee Gacanka Berbera inuu dhexeeyo. Baddaasi waxa la odhan jiray oo Muslimiinta iyo Carabtuba ku qoreen kutubtii hore intaan Khawaajuhu dunida maskaxda ka qabsan “Gacanka Berbera” ama “Khaliij Berbera” isticmaarkii Ingiriiska ayaa ka dhigay “Gacanka Cadan” markuu halkaas qabsaday. Waxan sii maray Magaalada Djibouti, Jamhuuriyadda Djibouti, halkaas oo aan diyaarad ka raacay. Waqtiga Duulimaadka diyaaraddu waxa uu dhammaa 45 daqiiqo ilaa Magaalada Tacis ee aan u socday.

Sida ninka tixidan gabayga ihi lehi uu uga calaacalay faraskiisa ee ugu caloolyoobay socdaalkan buurta Manaa ee Calmadaw ee Laas-qoray ku dul taal iyo durdurada moon ee uu sii jibaaxayo, isaga oo aroos dhawr jeer baaqday ku socda, ayaan anna ka caloolyoobay socdaalka Yemen ee waqtigan aniga oo sidiisa ardaadig u ahaa inankaygii u yaraa oo gabadh reer Yemen ah ay wada sheekaysteen.

Xuutiyiinta shiicadaha iyo Al-qaacidda Yemen oo ayaa ku herdamaya dalkaasi iyo cir ka soo dhaca ama darooniska Maraykanka. Labada kooxood waxa la kala socda oo ku milmay dhalliyaro Soomaali ah, taas oo iyana khatarteeda lahayd.

Waxa aan xusuustay aniga oo ka mid ahaa wefdi Somaliland ahaa oo dawladda Yemeni martiqaaday oo diyaarad Hargeysa ugu soo dirtay sannadkii 1999 bishii febarwari. Wafdiga waxa hoggaaminayey Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda Marxuun Maxamuud Saalax Nuur ( Fagadhe), Wasiirkii Gaashandhigga Mudane Rashiid Xaaji Cabdillaahi  iyo aniga [Maxamed Saciid Gees] oo ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Xoghayihii Madaxweynaha Cabdiraxman Kubaddo.

Waxa aan gurigiisa kula barjaynay oo na martiqaaday Madaxweyne-ku-xigeenkii Yemen oo ahaa Cabdirab, Mansuur Al Hadi, oo mar dembe Madaxweyne ka noqday Yemen oo ayaan dhoweydna is-casilay markii jabhaddan Xuutiyiintu Sanca qabsatay. Isaga oo ay weheliyaan Wasiiro iyo madax kale oo dawladda Yemen ka mid ahaa.

Waxa xusud mudan xubnaha wafdigayagu waxay aad u wada yiqiineen ku hadalka afka Carabiga aanu ku kala xariifsanaanee. Sidaas darteed sheekado waxay ku socotay af-carabi. Marxuun Fagadhe oo reer Cadmeed ahaa ayaa aad uga sheekeeyey siyaasadiintii iyo abwaanadii iyo joornaalladii Yemen, gaar ahaan Cadan oo uu ku noolaa muddo badan.

Aroortii dembe waxan la kulanay oo na qaabilay Madaxweyne Cali Cabdulle Salax oo dalkaas xukumayey muddo 33 sanno ah markii xilka laga fadhiisiyey sannadkii 2011. Waxa goob-joog fadhiga ka ahaa qoladii aanu habeenkii wada barjaynay. Madaxweyne Cali Cabdulle waxa uu ka yaabay ballaadhka iyo baaxadda xubnaha wefdigayaga oo waxan ahay Marxuun Cigaal, Marxuun Fagadhe Rashiid iyo aniga [Gees]. Gedigayo waxan ahayn dad qaro waaweyn oo ciyalsan.

Waxa uu Cali Cabdule yidhi; “Waar Reer Somaliland Cayilaad badanaa.” Cigaal ayaa u jawaabay oo yidhi; “Xoolihii Carabtu naga xayirtay ayaanu ku cayilnay.” Markaas oo xoolaha Soomaaliyeed ee loo dhoofin jiray dalkeeda ay xayiraad saartay Boqortooyada Sucuudigu.

Haasawahaas ka dib waxa uu hadalkii ku soo koobay Madaxweyne Cali Cabdale “Aad ayey igu warrameen qoladaydii aad xalay la kulanteen. Horena waa uga war hayey Ardda Soomaal (Somaliland). Waa la socdaa horomarka aad ka gaadheen, dhinaca dawlad dhisidda iyo nabadaynta, qolada reer Konfureed (Soomaaliya) halkan ayaan madaxdooda ku qaabilay, nimankaasi ma ah kuwa dal iyo dawlad dhisaya ee waa kuwa dano gaar ah wata.

Waxan idiin sheegayaa Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku jiraa inaanay marna oggolaanayn in Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ay kala go’do oo Somaliland la ictiraafo, waayo waxay taas horseedaysaa waddano badan oo Carab ihi inay kala go’aan oo aan maslaxdayada ama dantayada ahayn, sida dalkan Yemen, Ciraaq , Sudan iyo Libiya. Sidaa darteed, talo odaynimo ayaan idin siinayaa. Idinka oo sidiinaa u dhisan sheegta Dawladii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee galabtay, deeto kursiga Jaamacadda Carabta ku fadhiista, Yemen ayaa ugu horreynaysa ictiraafkiina, dalalka khaliijkana dhaqaale aad dalka ku dhisataan ayaan idiinla raadinayaa iyo ictiraaf. Arrintaas ka soo tashada oo kula noqda dalkiinii iyo dadkiinii ha ku degdegina hadda.”

Wefdigii waxa uu u sii gudbay magaalada Qaahira iyo dalkaasi Masar oo iyana martiqaaday. Habeen aanu joognay Qaahira ayaa Madaxeyne Cigaal nagu matiqaaday saddexdayadii Wasiir casho huteelka aan ku jiray. Waxa uu na warsaday sida aanu u aragnay soo jeedintii Madaxweyne Cali Cabdlle Salax ee ku saabsanayd masiirka Somaliland. Labadii Wasiir ee kale way ka gaabsadeen inay fikrad toos ah uga dhiibtaan arrintii. Anigu waa aan ku dhiiraday oo waxan u sheegay sidaan taladaasi u arkayey anoo aan hadda dib u tafatirayn (Afartayadii xog-ogaalka u ahaa arrintaasi laba ayaan ifka ku joognaa aniga iyo Rashiid Xaaji Cabdillaahi.

Hadalkayga oo dheera waxan ku soo koobayaa sidan: Haddii taladaas la inagu raaco oo aan yeelno oo la inoo ictiraafo sida Cali Cabdle sheegay, qolada konfureed waa ka hor imanayaan. Inagu sharciyadii ayaan kala wareegaynaa, wada hadla ayaa la ina odhanayaa, deeto marka aan heshiin wayno iskala taga ayaa xigta inaga oo haysana ictiraafkii dunida.

Haseyeeshee, Yemeni miisaan Siyaasadeed malaha, kafiil ka weyn ayaa loo baahan yahay haddii hawshaas la gelayo . Markii aan hadalkii iyo cashadii dhamaysanay ee qolalkii lift-ka u raacnay ayaa Marxuun Cigaal yidhi intuu xagaygii u soo jeensady. “ waa sidaad sheegatay geesaw’ sponsor’ ama kafiil weyn ayaa loo baahan yahay.”

Waqtiga sheekadaasi dhacday waxa hadda laga joogaa 16 sano, weli Somaliland cidi ma ictiraafin, Soomaaliyana dawlad dhisanweyday, hadda oo 20 kun oo ciidan ajnebi ahi ay illaalinayaan ayaa dunidu waraaba-u-taag dawlad ah loo dhisay oo la ictiraafay oo dhaqaale la siiyaa welise fari kama qodna.

Dalalkii Carabta ahaa ee uu Madaxweyne Cali Cabdule uu tilmaamay; Soodaan waa kala go’day, Ciraaq waa saddex dawladood oo dagaallamaya, Liibyaa waa gobol-gobal, Yemeni waa dildilaacday. Arrin shaqo ku leh Somaliland ma ahayn. Cali Cabdalle Saalax ka dhac xilkii weliba si fool-xun. Marxuun Cigaal iyo Marxuun fagadhe alleystee, Gees oo dhega – beelay ,iyo Mudane Rashiid oo jiifaa, ayaa joogaa. Somaliland waa tugtug leedahay itaalkeed, tol iyo tag la’aan ayaa heshay nabadda ayuun bay ka dedaashay, daryeelkii dadweynaha loo maara waa, biyo la’aan, Hargeysa waxa dadka badani dharka maydhaan oo caruurtu qubaysataa oo biyo heleen marka dooxo soo rogmado oo aad arkaysaa dharka oo dooxa hareerahiisa ku wadhan, sidii aan ahaan jirnay kontomaadkii markii habarqabaha isticmaarku joogay ee biyo meelna wadanka ka soo saari waayey. Waxbarashadii iyo daryeelkii caafimaadku waa wagash wagash. Dugsiga sare ee lagu magcaabay aabbihii waxbarashadda Somaliland Marxuun Maxamuud Axmed Cali ee Airport-ka loo sii maro, ee cid waliba aragto ayaa kuugu filan xaaladda waxbarashada dalka.

Waxa dalka intaas u dheer dibandaabyada ajnebiga, muslin iyo gaalba ay ku hayaan iyo qurba-joogta sida khaliifyada iyo wabarada hadda shiidka bilaabay. Somaliland waxay ku taagan tahay oo ka dhimanweyday cidi teelo uma dhigan eh waa qabka (Pride) beelaha dhexe ama Isaaq. Intee qab ku wadayaa haddii horumar la gaadhi waayo iyana waa su’aal?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here