Dhalinyarada Xisbiga Ucid Oo Maalintii Lixaad Ee Ololaha La Qaatay Bulshada Ku Dhaqan Barakaca Digaale

0
394

Hargeysa(SDN)Garabka dhalinyarada ee xisbiga Ucid oo maanta la dabaal dagay barakaca digaale oo ku dhaqan duleedka koonfureed ee magaalada hargeysa kuwaasi oo la qaatay dabaaldag iyo wacyi galin ku aadan sidii loo ilaashan lahaa kaadhadhka cod bixinta.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadaly Afhayeenka Ururka Qabyaalad diid Najma Xasan Maxamed oo halkaasi ka sheegtay in maanta loo baahan yahay xisbi bulshada wax u qaban kara oo ka madhan qabiil kaasna ay ku tilmaantay xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid wax kale oo ay sheegtay in ay ilaashadaan kaadhadhka cod bixinta si ay u doortaan hogaan ku haboon dalka.

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Naasir Kayse Cabdilaahi Iyo Xamda Cabdilaahi oo labadooduba si isku mid ah uga hadlay muhiimada ay leedahay in la helo hogaan dalkan horumar gaadhsiin kara oo ka fog qabiil iyo qolol qolo waxaanay dhamaan dadkii halkaasi ku sugnaa ku booriyeen in maalinta codbixinta oo ah 13/11/2017 ay codkooda siiyaan xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Ucid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here