Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye Oo Kulan Ay Iskugu Imadeen Kaga Hadlay Sidii Ay U Xoojin Lahayeen Tageerada Buuxda Ee Ay U Hayaan Xisbiga

0
307

Hargeysa(SDN)Xaflad bilan oo ay soo agaasimeen urur ay ku midoobeen dhalinyarada gobolada Togdheer,Saaxil,Maroodi-jeex, Gabiley Iyo Hawd kuwaasi oo ah dhalinyaro ku midowday sidii ay cudud iyo codba ugu taageeri lahayeen xisbiga Midnimada iyo horumarka ee Kulmiye, xafladani oo xalay ka dhacday Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socoda xisbiga kulmiye,Aqoonyahano, Abwaano, wasiirka Cadaalada iyo waliba marti sharaf aad u tiro badan.

 

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha dhalinyarada Ololaha Xasan Mawliid Muxumed kaasi oo sheegay in maanta ay tahay wakhtigi la heli lahaa hogaan go’aan leh oo isku wadi kara bulshada reer somaliland kaasi oo uu ku sheegay in uu yahay Murashax Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu taabtay in maanta ay hiil iyo hooba la garab joogaan xisbiga kulmiye kaasi oo tilmaamay in ay tahay in la abaal mariyo ragii dalka u soo halgamay si ay mar kale badhaadhe iyo horumar ugu horseedaan.

 

Aqoon-yahan Maxamed Cali Bile oo isna goobta ka hadlay ayaa bogaadiyey sida weyn ee ay isku soo abaabuleen dhalinyaradaasi waxaanu sheegay in dadaal dheeraad ah loo baahan yahay si loo sii rumeeyo in la helo horumar balaadhan oo ku dhisan aqoon iyo daacad,waxa kale oo uu sheegay in la horumariyo dhalinyarada ay ka mid tahay bug siyaasadeedka xisbiga kulmiye waxaanu dhiiri galiyey dhamaan dhalinyaradii goobta iskugu timid.

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Abwaan Muuse Madar, Maxamed Cabdi Daauud, kuwaasi oo labadooduba si isku mid ah uga hadlay sidii loo dar dar galin lahaa hawlaha Ololaha ee lagu hananayo dadka codaynaya waxaanay dareeno kala duwan oo Maanso iyo hadal ahba ku cabireen sida maanta loogu baahan yahay in la helo hogaan hal adayg leh waa sida ay sheegeene waxaanay sheegeen in ay codkooda la garab joogaan xisbiga midnimada iyo horumarka ee Kulmiye.

 

Gudoomiyaha Gudiga Hoodaale Iyo Ku xigeenka Gudigaasi Oday Maxamuud Qaalib Iyo Eng Maxamed Yuusuf oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay ku faraxsan yihiin in ay helaan dhalinyaro fir-fircoon oo ka soo bixi karta hawlaha culus ee maanta lagu jiro kuwaasi oo sheegay in ay taageerayaan dhalinyaradaasi waxaanay sheegeen in loo baahan yahay nidaam lagu hanan karo dhamaan dhalinyarada somaliland oo la tusi karo in maanta xisbiga horumar u hor seedi kara  uu yahay Xisbiga kulmiye waxaanay bogaadiyeen dhamaan dhalinyaradii soo agaasintay kulankaasi.

 

Shabcaan Ismaciil Cumar iyo Mustafe Ibraahim Aw Cabdi oo ku kala hadlayey afka Dhalinyarada iyo Haweenka ayaa sheegay in xisbiga kulmiye maanta diyaar u yahay sidii uu codka uga hanan lahaa qof kasta oo ku dhaqan Somaliland oo qaatay kaadhka dooroshooyinka waxaanay bulshada ugu baaqeen in aanay ka caajisin wakhtiga yar ee kooban ee hadhay.

 

Gaba gabadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Cadaalada Somaliland Axmed Faarax Cadare oo soo xidhay xafladani ayaa sheegay in wax badan oo uu qabtay madaxawayne Axmed Siilanyo oo ka soo baxay xisbiga kulmiye Masuulka dhamaystiri karaa uu yahay Muuse Biixi Cabdi iyo waliba ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici waxaanu sheegay in ay dhalinyaradu kaalmayso qof kasta oo da’ah maalinta codaynta amaba aan garanayen nidaamka lagu codaynayo waxa kale oo uu sheegay in maanta ay tahay maalin ay dhalinyaradu u hiilin lahayd murashaxa dalka wax gashaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here