Dhagaxdhiga Iyo Balanqaadyada Aan Meel Gaadhsiisnayn Ee Maayirka Hargeisa Oo Is Barkaday+Wakhtigiisa U Badan Oo Uu Ku Lumiyo Dano Gaar Ah

0
151

Hargeisa(SDN)maayirka caasimada hargeisa C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelcooo mudooyinkii u danbeeyey ka shaqaynayey siduu u dhagax dhigi lahaa qaybo ka mid ah caasimada hargeisa taasi oo ay raacsan tahay balan aan meel gaadhsiisnayn su aalaha ay inta badan bulshadu is waydiinayso oo ah maxaa ka rumooba

maayir

dhagax dhiga beenta ah iyo balanqaadka aan meel gaadhsiisnayn taasi oo ay weheliso maatida iyo waliba bulshada ku dhaqan caasimada ee ay dawlada hoose ee hargeisa danuhu kaga xidhan yihiin oo inta badan aan ka helin xafiiskiisa isagoo wakhtigiisa inta badan ku qaata raacida kormeerada madaxweynaha iyo fadhiisiga goobaha bulshadu iskugu timaado oo ay shaqooyin badan ku lumaan.

Xarunta dawlada hoose ee hargeisa ayaa ah mid ay dadku inta badan ku tilmaaman wixii kaa gala in ay dhaanto iyadoo aad xoolahaagaasi khamaar ku jiraan dhibaatada inta badan ay bulshadu kala kulmaan dawlada hoose ee hargeisa ayaa ay tahay cadaalad la aan iyo lacago laaluush ah oo khasnado dad gaar ah ku dhacda.

Mudadii ay joogeen xildhibaanda golaha deegaanka hargeisa ayaa waxay noqonaysaa mudadii ugu tirade badnayd ee maayir soo mara uu dhagax dhigo boqolaal dhagax iyo balan qaadyo kuwaasi oo badi intooda badnai aysan hirgalin taasina ay sababtay in mashaariic badan oo loogu tala galay howlo badan ay ku dhacaan khasnado ay dad gaar ahi leeyihiin.

Maayirka hargeisa oo marka wax laga waydiiyo arimaho la xidhiidha sababta keenta in ay hoos u dhacaan wax qabadkii dawlada hoose ee hargeisa oo ku jawaaba waxaan keenay maayiro iyo waliba xog hayayaal wadamada reer galbeedka taasina micnaheedu noqon karto tamashlayn iyo soo dhawayn lagu luminayo danihii iyo howlihii qarankani lahaa.

Xukuumada wakhtigeedu gaba gabada taagan yahay oo intaada badan ay wax badan iska dhabahaan maayirka caasimada hargeisa ay tahay mid la marin habaabiyey hanaankii iyo hawlihii kala duwanaa ee qarankani u dantaha ahaa,balse in kastoo wax ka yar 140 maalmood ka hadheen wakhtigeedii ayaa waxay tilmamaysaa arintaasi in la lunsanayo boqolaal malyan oo qarankani lahaa.

Tan iyo wakhtigii ay Somaliland asaasantay waa markii ugu horaysay ee maayir noocana ahi soo maro caasimada Somaliland ee hargeisa taasi oo ay is barkadeen dhagax dhigyada iyo balnqaadyahada aan fulin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here