Dhacdo Argagax iyo Murug badan leh oo xalay ka dhacday Magaalo kutaala Turkiga

0
164

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in Weerar ismiidaamin ah lagu qaaday goob ay ka socotay xaflad aroos, waxaanA weerarkaasi lagu dilay dad badan oo xaflada ka qeyb galayay.

Saraakiisha amaanka Dowlada Turkiga ayaa sheegay in ruux waxyaaaha qarxa isku soo xiray uu isku dhax qarxiyay goob ay kasocotay xaflad aroos oo kutaala magaalada Gaziantep eekoofur bari dalka Turkiga.

Inta la xaqiijiyay Weerarkan ismiidaaminta ah ee lagu qaaday xaflada arooska waxaa ku dhintay dad gaaraya 27-qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacamay dad ku dhaw 100-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

 
Goobtii ay ka socotay xafada Arooska ayaa mar qura waxa ay isku badashay goob uu dhiig badan dureero, waxaana halkaasi ka bilaabatay kala carar iyo araggaxa , waxaana la arkayay dadkii damaashaadayay oo qaarkood jirkooda uu go’go’ay iyo kuwa kale oo dhaawcayo halis ah qaba.

Ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Mehmet Simsek ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan, waxa uu sheegay in Weerarkan uu fuliyay qof qaraxyo isku soo xiray kaa oo beegsaday dadkii xalflada arooska ku damaashaadayay.

 

Dowlada Turkiga ayaa weerarkan ku tuhunsan in ay ka dambeeyeen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Siiriya, waxaana Weeraro badan oo gudaha Turkiga ka dhacay horey u fuliyay Kooxda Daacish iyo Kooxda kale ee Mucaardaka PKK.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here