Deg Deg:- Wasiir Xilkiisa Iskaga Casilay Gef Uu Ka Galay Nabi Muxamed NNKH

0
419

Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka Dowlada Pakistan Zahid Hamid ayaa ku qasbanaaday in uu xilka si deg deg ah isaga casilo, kadib banaan baxyo waa weyn oo ruxay magaalada Islamabad ee Caasimada Pakistan.

Image result for deg deg

Dad badan oo banaan baxayay ayaa isugu soo baxay Wadooyinka waa weyn ee magaalada Islamabad, waxa ayna dadkan ku baaqayeen in uu xilka ka dego Zahid Hamid ay ku eedeeeen in uu diina Islaamka u gefay.

 

 

Banaan baxaaasha ayaa ku eedeeyay Wasiirka iyo Xukuumada talada heysa hindise sharciyeed cusub oo la xariira xeerka Doorashada, iyagoo ku eedeeyay Wasiirka inuu sharcigii horey u yiilay uu ku bedalay mid aan islaami ahayn.

Xiisada ayaa ka dhalatay kadib markii hindise Sharciyeedka cusub laga saaray dhaarta Murashaxiinta Doorashada galeysa laga qaado oo ah inay ku dhaartaan Illaahooda iyo Nebi Maxamed SCW iyo waliba inay ku dhaartaan inaysan xubin ka ahayn Axmediyada.

 

 

Banaan baxyaxda looga soo horjeedo Wasiirka Dastuurka oo markii hore ku bilowday si degan ayaa markii dambe faraha ka baxay, waxa ayna dadka banaan baxa dhigaya ku faafeen Wadooyin muhiim ah oo kuyaala Caasimada.

Rabshado shalay ka dhacay  magaalada Islamabad waxaa ku dhintay lix qof kadib markii ay gacanta isula tageen shacabka mudaharaadayey iyo Booliiska oo ay Maxkamada dalkaasi ku amartay inay kala dirto dadka wadooyinka waaweyn xiray.

 

 

Iscasilaada Wasiirka ayaa guul u ah kooxaha banaan baxa waday isla markaana cadaadis xoogleh saaray Dowlada Pakistan oo sheegtay inay ka noqotay hindise sharciyeedkii xiisada dhaliyey.

Dalka Pakistan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa hawada laga saaray Baraha Interneka si dowlada uga hortago in banaan baxyada sii faafaan, waxaana hada la saadaalinayaa in xaalada ay xooga dagi doonto maadaama uu is casilay Wasiirkii sababta u ahaa Banaan baxyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here