Deg Deg :- Dabcasar Oo Dalka Ku Soo Laabtay

0
5266

Hargeysa(SDN)Sida uu noo xaqiijiyey wariye Badri kozar oo ka tirsan shaqaalaha telefiishanka Eryal ayaa sheegay in dalka uu ku soo laabtay Sheekh hore looga mastaafuriyey somaliland kaasi oo lagu magacaabo sheekh Cabdiraxmaan Xaaji Dabcasar oo maalintii shalay ahayd dalka laga tarxiilay.

Cabdiraxmaan Dabcasar oo maalintii shalay aheyd dawlada Somaliland ka musaafurisay dalkeeda ayaa saaka dib ugu soo laabtey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland

Dabcasar ayaa la sheegay in xukumadu ay u musaafirisay dalka Jabuuti oo uu codsadey in loo duuliyo , isla markaana waxaa naloo sheegay in sababta soo celisay ay tahay Jabuuti oo diiday in Dabcasar dalkeeda galo isla markaana waxaa ay Jabuuti Dabcasar soo saartey diyaarada Air Jabuuti oo goor dhaweyd ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa .

 

Markii uuu ka soo degay Diyarada Air Jabuutiayaa lamaha amaanku ay xidheen Dabcasar isla markaana waxaa la filayaa in loo musaafuriyo dalka Imaraadka oo lala sugo diyaarada Fly Dubai oo bari iman doonta magaalada Hargeysa .

Sidoo kale waxaa xusid Mudan in Dabcasar uu diiday in loo musaafiriyo magaalada Moqdisho ee dalka Somaliya

wixii warar ah ee ka soo kordha halkan kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here