Dawladda Somalia Oo Shaaca Ka Qaaday Mawqifkeeda Kooxda Cali Khaliif Galaydh

0
133

Hargeysa(SDN)Dawladda Somalia ayaa dabada u jeedisay kooxda uu Cali Khaliiif Galaydh hogaamiyo ee Khaatumo, waxaanay meesha ka saartay waxyaabo uu bulshada Buuhoodle ku maaweeliyo oo ku saabsan in Somalia la dhisayso maamul ay yeeshaan gobolada bariga Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha gudaha xukumadda Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen(Odowaa) ayaa dhawaan wax laga waydiiyay mawqifka xukumadda Muqdisho ee kooxda Cali Khaliif, waxaanay caddeeyeen inaanay jirin wax faro galin ah oo arrimahooda ku samaynayaan iyo qorshe maamul midna.

 

Wasiir Cabdiraxmaan Odowaa oo la waydiiyay waxay xukumadda Muqdisho ugu talo gashay maamulka isku magacaabay Khaatumo ayaa ku jawaabay “Ilaa hadda Khaatumo Somaliland iyo Puntland ayaanu arrimaheeda kala hadalnaa. Dad Soomaali ah oo is maamulayaa mar walba wixii lala qaban karo heer federal aaminaadaasi way jirtaa laakiin maamul goboleed dhismaheed iyo hanaankeeda waxay u baahan tahay faham intaa ka badan.”

 

Waxa sidoo kale la waydiiyay bal marka ay madaxtooyada ku qaabilaan Cali Khaliif inay arrimihiisa kala hadlaan iyo inay arrimaha khaatumo kala hadlaan waxaanu ku jawaabay “Hadba inta tamartiisu leegtahay, dabcan qofku hadduu dad metelo oo aaminaadasi jirto inay maanta meel joogaan barina meel kale joogaan, Cali Khaliif ra’isal wasaare hore ayuu ahaa, nin madax ah weeye in la qaabilana mar walba waa khasab dhib badana kuma jirto.”

 

Ugu dambeyn waxa la waydiiyay balanqaadyo Cali Khaliif ka sheegay Buuhoodle oo ah in Somalia balanqaaday inay la dhisayso maamul waxa ka jira wuxuuna ku jawaabay “Dedaalkaas isagaa og Oo Buuhoodle jooga, laakiin Qorshe wasaaradda arrimaha gudaha halkaas ugu jiraa waa maya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here