Dawladda Ethiopia Oo Ka Hadashay Isku Dhaca Ciidanka Qaranka Iyo Maleeshiyada Wabar Ee Qulujeed

0
175

Hargeisa(SDN)Dawladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay baadhis ku samaynayso Koox shalay weerar ku soo qaaday Ciidanka Qaranka Somaliland ee Qulujeed,kuwaasi oo sheegay inay taabacsan yihiin Suldaan Wabar, balse ka soo talaabay Xuduuda Itoobiya,markii Ciidanku baacsadayna dib uga talaabay Xuduudka.

ethiopia

Ambasador,  Behre Tesfaye, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa arrintani ka hadlay waxaanu sheegay inaanay arrintan ka wada shaqayn Somaliland “Maan maqlin dhacdadaas, Xukumadda Somaliland-na Xidhiidh nagalamay soo samayn” ayuu yidhi Ambasadorka oo Wargeyska Himilo u waramay.

Ambasador Behre Tesfaye, waxa uu sheegay in dawladda Ethiopia baadhis ku samaynayso dhacdada shalay iyo cidda ay yihiin Dablayda weerarka gaysatay “Waxaanu baadhaynaa Cida Weerarka gaysatay inay Suldaanka taageersan yihiin iyo inay Cid kale yihiin” ayuu yidhi Ambasadorka oo sheegay inaanay ogolaan doonin weerar Somaliland kaga yimaada Ethiopia iyo in Maleeshiyo ku dhex dhuumato.

Weerarka Shalay waxaa dhaawacmay Hal Askari oo Ciidanka Qaranka ka tirsan,Haweenay shacab ah, iyadoo kooxda Weerarka gaysatayna la sheegay in hal qof ka dhaawacmay midna nolosha lagu qabtay.

Kooxda Suldaan Wabar taabacsan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku dhuumanaya Buuraha Xuduudka, iyagoo mar sii horaysay soo weerar Saldhiga Booliska Boorama.

Ethiopia iyo Somaliland ayaa iska kaashada dhanka amaanka,balselama oga sababta Ethiopia u ogolaatay in Suldaan Wabar iyo kooxdiisu ka hawl galaan Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here