Dawlada Somaliya Oo Saanad Malateri U Dirtay Ciidamada Maamulka Putland

0
166

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta labo diyaaradood oo hub iyo saanad milatari sida waxa ay u dirtay Maamulka Puntland si loogu taageero Ciidamada Puntland oo dagaal adag kula jira dagalayahano katirsan Al-Shabaab oo gaaray Deegaanadaasi.

Diyaaradahan hubka sida ayaa mid kamid ah la sheegay in ay ku deeqday Dowlada Imaaraadka Carabta oo soo marsiisay Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana hubkan iyo saanada kale ee milatari ay tahay mid lagu taageerayo Ciidamada Puntland.

 

Abaanduulaha ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo S/ Guuto Cali Baashi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in ciidanka xoogga dSoomaaliyeed ay mar kasta garab taagan yihiin Puntland iyo ciidanka xoogga ee qeybta 54-aad ee ku sugan deegaannada Puntland hadii loo baahdana ciidan, ay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga loo diri doona halkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye , oo kamid ahaa Masuuliyiintii diyaaradaha hubka siday ka sagootiyay garoonka Aadan Cadde , ayaa sheegay in Dowlada ay garab taagan tahay maamulka Puntlnad ayna gacan ku siineyso dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradaha hubka iyo saanada kale ee milatari u qaaday Deegaanada Puntland ayaa Dowlada Soomaaliya ugu tala gashay sidii loogula dagaalami lahaa Dagaalyahanada Al-Shabaab ee gaaray deegaano kuyaala dhulka Xeebta ee Puntland.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here