Dawlada Somaliya Oo Gudi U Saartay Soo Qabashada Qaxootiga Yemen

0
275
Muqdisho(SDN)Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay gudi u xilsaareyso sidii loo badbaadin lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed eek u sugan dalka dagaalada ay ka soconayaa dalka Yemen.Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Dr Cabdi Salaan Hadliye ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya gudi kooban u xilsaareyso sidii Shacabka SOomaaliyeed eek u dhibaateysan dalka Yemen oo colaadi ay ka jiraan loogu soo celin lahaa dalkooda si deganaasho u helaan.

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/wali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya dadaal xoogan u galeyso sidii loo badbaadin lahaa nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u sugan dalka Yemen gaar ahaan magaalada Sanca.

Waxaa dhawaan jirtay in gudaha Soomaaliya ay soo gaaraan Qaxootiga Yemen oo ka soo cararay dagaalada dalkooda kuwaasi oo maciin biday deegaanada dhaca dhulka Xeebta gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso

Dalka ayaa ka bilowday dagaal culus oo u dhaxeeya Kooxo Xuutiyiin ah iyo Dowlada dalkaasi,kaasi oo sababay in madaxweynaha dalkaasi noloshiisa la baxsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here