Daley Blind: Gary Neville Wuu Ku Qaldanaa Inuu Dhaleeceeyo Baasaskeyga.

0
317

Daley Blind ayaa jawaab ka bixiyay eedeymo uu kala kulmay halyeeygii hore ee Manchester United Gary Neville isagoo suxufiyiinta soo hor fariistay xalayto.

Waxaana wax laga weydiiyay sida ay la tahay aragtida Gary Neville kaasoo yiir: “Waxa uu ciyaaraa baasas aan micno lahey, waxaana uu mar walba doortaa wadada ugu sahlan.”

Blind ayaana qirtay in hadalkaas uusan maskaxdiisa ka bixin isagoo yiri.

“Dabcan, waan dhageystay laakiin waxaan isku dayaa inaan ciyaaro ciyaarteyda, islamarkaana aan sameeyo waxa uu tababaraha iga rabo aniga, taasoo ah inaan kubada haayo.” ayuu yiri Blind.

“Waxaa mar walba jira qof doonaya inuu wax ka sheego tababarayaasha ama kooxaha haddii kale TV-yada xiiso ma lahaan laheyn.

“Waan qaadaa karaa dhaleeceyn yar. Dadka TV-yada ka hadla waa ay sheegi karaan wixii ay doonaan. Waad maqasheen laakiin waxaan qabaa inaan ciyaaray kulamo aad u fiican.

“Dabcan mararka qaar kubada waxaad u dhiibi kartaa weerarka, laakiin mararka qaarna waa ay fiican tahay inaad qeyb ka noqoto kubad-heysashada kooxda, islamarkaana aad ka dhigto asxaabtaada kuwa u ciyaara si ka fiican sidii hore.

“Waxaan ka dhigi karaa ciyaartoyda kale kuwa iga muhiimsan aniga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here