Dakhliga Dawlada Hoose Iyo Dayaca Caasimadda (Qaybta 1Aad)!

0
108

Dakhliga Dawlada Hoose Iyo Dayaca Caasimadda (Qaybta 1Aad)!

28/12/2012 ayay ahayd maalinkii loo dareeray doorashadii golaha deegaanka taas oo  ka horaysay muddo ay olole ku jireen xildhibaanada ku guulaystay gudoominta caasimada hargeisa inta la ogsoon yahayna waxay xildhibanaadaas ku ololayn jireen kor u qaadida bilicda caasimada iyo inay bulshada  guud ahaan ugu shaqayn doonaan sinaan iyo cadaaladd.

Wxaanay bulshadu ku han weynayd in ay wax ka qaban doonaan hawlahaa ay ku ololeeyeen maadaama ay bulshadu hayso wixii ay yidhaahdeen ee ay ku gorgortameen isla markaana ay codka ku siiyeen.

Waxaana akhriste maanta cadaatay in arrinkaasi meesha ka baxay oo uu isu badalay hadaan shalay ku idhi dhulkaan inoo hagaajinayaa horta anigu aan dhaqaale uruursado daaro dhaadheerna iyo gaadhiyo dhalaalayana aan isku dhajisto.

 Sida aynu ka wada dharagsanahay waxaynu si cad oo aan mugdi ku jirin u ogsoonayn  in xildhibaanada golaha deegaanka hargeyssa intooda badan inaanay haysan wax hanti iyo maal ah  toona marka laga reebo shaqsiyaad aad u yar waxaaana maanta muuqata markaad guud ahaan eegto 25 xildhibaan ee caasimadu  inay ku nool yihiin nolol toodii hore  ka gedisan oo  xubin kasta oo golaha deegaanka hargaysa ka tirsani maanta wuxuu wataa gaadhi kuwa raaxda ah ee qaaligaa waxa u dheer telifoono iyo aaladaha kale ee qaaligaa qaarkood waxay dhisteen guryo waawayn oo kuwa ugu casrisan magaalada ah , halka qaarkood ay kiraysteen fooqyo kirada bishii laga qaadaa ay ka badan tahay mushaharkooga , hadaba marka xaalku sidaa yahay bulshadu maxay is weydiisanaysaa? Akhriste waydiintaasi way iska cadahay oo waxay is waydiinayaan inay ku tagri faleen oo ay siday doonaan u adeegsadeen dakhligii laga soo uruuriyay islaamaha maatada ah ee suuqa wadhan ee ay wehelka u yihiin bacadka iyo daruufaha nololeed ee ku gadaaman waxa intaa u dheer inay  bulshadu darseen tahay dhul boob baahsan oo ay ku sameeyaan dhulkii danta guud ahaa oo nin waliba inta uu doono iska xidho , waxa aad akhriste ka war qabtaa in  dhulka magaaladu xawli sare ku fidayo oo  ay daafaha magaalada ka socdaan degsiimooyin cusub waxa iyaduna marag ma doon ah in waagii baryaba la qorshaynayo dhul beereedyo magaaladu ku sii siqayso waxaana inta badanu kala dheerayn iyo boob ugu jira dhulkaas xubnaha golaha deegaanka , waxa iyaduna taas baaloo ay tibaxaan dadka xogogaalka u ah dawlada hoose in maayir soltelco uu sameeyay dakhli uu ku ilaaliyo kursigiisa oo iskaga laaluusho xildhibaanada kale  si aan xilka uga  qaadin taas oo ah iyaduna noqonaysa ku tagri fal kale oo  hantida ummadda ah iyo bururin  sharciga ah isla markaana ah kursi jeclaysi indha la,aan ah .

Akhriste muuqaaladan yar ee hoosta kaaga muuqdaa waa inyar oo ka mida maragyada muuqaal xumida caasimada iyo dayaca ay baahsan ee yaala. Bal u fiirso sawirka wadadaa googan ee kuu muuqataa waa wadada halbawlaha ee ka bilaabanta saldhiga dhexe ee malaagada hargseysa isla markaana gashay madaarka magaalada hargeysa oo ah halka wefti kasta oo soo gala wadanka iyo kii ka dhoofayaaba soo maro, halka xashiisha kuu muuqdaana uu yahay magaalada gudaheeda

 New Picture

Qormadeenan qaybaha dambe hadii Alle idmo waxaynu ku soo qaadan doonaa dakhliga soo gala dawlada hoose  iyo sida  ay magaaladii iyo bulshaduba uga aradan tahay adeegyadii looga baahnaa iyo sawiro dheeraad ah oo xaqiiqda magaalada iyo murugada ku gadaaman taaban doona.

 

 

 

Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here