Dagaalka ka socda Mosul oo Waji Cusub isku badalay iyo Daacish oo la go’doomiyay

0
140

Dagaalo culus oo in ka badan 5 isbuuc ka socday nawaaxiga magaalada Mosul oo ah caasimada labaad ee dalka Ciraaq ayaa iminka waxa uu dagaalkii isku badalay mid wajiyo badan xambaarsan ka dib markii magaalada gudaha la iskugu soo galay .

Ciidamada Huwanta ayaa soo jabiyay dagaalyahano ka tirsan ururka Daacish balse qeeybo badan oo ka mid ah magaalada Mosuul waxaa heeysta maleeshiyaadka Daacish oo Dabaqyo dhaa dheer dadka ka soo tooganaya .

 
Daacish ayaa dan u aragta inay ka dhex dagaalamaan gudaha magaalada Mosul ka dib markii la kala jaray wado Buundo ah oo ay u soo mari jireen gurmadka uga yimaada Daacishta kale ee ka dhisan dalka Siiriya . Ciidamada Huwanta waa Milatariga dalka Ciraaq , Ciidamo Suniyiin ah oo Daacish horay deegaanadaas uga soo saartay iyo xoogaga Kurdiyiinta Peshmerga loo yaqaan .

Waxaa adag in si fudud loogu kala guuleeysto dagaalka soo gaaray guudaha magaalada Mosul madaama la kala xiray wadooyin badan oo ay soo mari lahaayeen Taangiyada ciidamada Milatariga dalka Ciraaq kuwaas oo ilaa Ramadi dhoor magaalo ka soo saaray ururka Daacish .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here