Dagaal Qasaaro dhaliyay Oo Dhax maray Ciidamada itoobiya iyo Qoomiyada Amxaarada

0
169

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in shalay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada amaanka iyo Qoomiyada Amxaarada uu ka dhacay magaalada Gondar ee kutaala waqooyiga dalka Itoobiya.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada oo doonayay in ay soo xiraan Hogaamiyaha Mucaaradka ee Qoomiyada Amxaarada, waxaana arintaasi kasoo horjeestay Taageerayaasha Hogaamiyahaasi iyo dad kale oo Ciidamada rabshado kala hortagay.

Dowlada Itoobiya ayaa ku doodey in ay dooneysay in ay soo xirto xubno kasoo jeeda Qoomiyada Amxaarada ay ku eedeesay in ay yihiin argagaxiso, waxa ayna Dowlada ay xaalad Bnadow ah kusoo rogtay Magaalada Gondar ee rabashadhu ka dhaceen.

Inta la xaqiijiayay dad gaaraya 10-qof ayaa ku dhintay dagaalka dhax maray Ciidamada amaanka Itoobiya iyo Dadka kaaoo jeeda Qoomiyada Amxaarada, waxaa sidoo kale jira dhawacayo badan oo iyana soo gaaray dhinacyada dagaalamay.

Qoomiyada Amxaarada oo ah tan labaad ee ugu tirada badan dalka Itoobiya ayaa ku eedeenaya Dowlada ay Hogaamiyaan Tigreega in ay ku tumanayaan dhaqankooda sidoo kale lagu hayo qoomiyadooda dhibaatooyin joogta ah.

Dalka Itoobiya waxaa markii hore taladeeda heyn jiray Qoomiyada Amxaarada oo iyadu laheed Boqortooyadii dalkaasi , hasa ahaatee Qoomiyadan ayaa markii talada laga tuuray cadaadis kala kulmeysa maamulka talada u hayaan Qoomiyada Tigreega.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here