Dagaal Qasaare kala duwan dhaliyay oo ka dhacay Magaalada Marka

0
148

Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay degmadaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya labo beel oo wada dega Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu kasocdo xaafad katirsan Magaalada Marka oo lagu magacaabo Waan Cuneynaa, waxaana dagaalka socda la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dadka Deegaanka ayaa ku waramaya in wali ay rasaas laga maqlayo halka uu dagaalku kasocdo , waxaana qeybo kamid ah Magaalada Marka laga dareemayaa xiisada ka dhalatay dagaalka goordhaw halkaasi ka bilowday.

Ku dhawaad 5-qof oo kamid ah dhinacyada dagaalamaya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka, waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in qasaaraha dagaalka ka dhashay uu sii kordho hadii uu sii socdo dagaalka.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii mid kamid ah beelaha dagaalamaya ay beesha kale qof ka dileen sidaasna uu dagaalku ku bilowday, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in looga hortago in dagaalka uu faraha uga sii baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here