Dadwaynaha Ku Dhaqan Degmada 26 June Oo Taageero Weyn Ku Muujiyey Xisiga Kulmiye

0
319

hargeysa(SDN)Isku soo bax weyn oo lagu taageerayo xisbiga kulmiye oo maanta ka dhacay garoonka kubada cagta ee xawaadle kaasi oo u jeedkiisu ahaa sidii loo muujin lahaa taageerada xisbiga kulmiye ee ay u hayaan dadwaynaha ku dhaqan degmada 26 June.

ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Ilyaas Maxamed Xuseen oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka caasimada hargeysa waxaanu taabtay ahmiyada ay leedahay in la helo hogaan goaan leh oo dalka ku dhaqi kara karti iyo goaan waxaanu sheegay in Muj Muuse biixi dheer yahay musharaxiinta kale ee la tartamaysa waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin in uu yahay hogaamiye hayin ah oo aanay gaadhayn labada xisbi ee kale.

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ololaha xisbiga kulmiye ee gobolka maroodijeex Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe iyo Maayirka Caasimada Hargeysa oo dhamaatood sheegay in ay bulshada ku boorin ayaan sidii ay codkooda u siin lahayeen xisbiga Midnimada Iyo Horumarka Ee KULMIYE.

 

Gudoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga kulmiye Canab cumar ileeye iyo wasiir ku xigeenka madaxtooyada somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa iyana sheegay in dagmada 26 june ay tahay dagmo balaadhan oo xisbiga kulmiye meel gaar ah ugu qoran waxaanay bulshada u sheegeen in maalinta cod bixinta ay si weyn uga taxadiraan qalad kasta oo dhici kara safafkana ay xili hore buuxiyaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here