Dad Saacado badan ku hoos jiray Dhismayaal soo dumay oo lasoo saaray iyaga oo nool

0
159

Kooxaha gurmadka deg dega ee dalka Taiwan ayaa ku guuleestay in ay soo saaraan labo qof oo in ka badan labo maalmood ku hoos jiray dhisamaha dabaqyo dhaa dheer oo habeenkii sabtida soo galeysay kusoo dumay dhul gariir ka dhacay duleedka Caasimada dalka Taiwan.

Cabirka Dhul gariirka ku dhuftay Koonfurta Dalka Taiwan ayaa lagu sheegay 6.5 magnitude, waxaana dhul gariirkan uu bur buriyay dhismayaal badan ay dad ku dhax jireen, waxaana wali socda baadi goobka dad loo maleenayo in dhismayaasha ku hoos jiraan.

 

 

 

Kooxaha gurmadka ku hoolan ayaa soo helay nin iyo haweeney ku hoos jiray dhismayaal soo dumay, waxaana labadan qof laga helay dhismayaal bur buray hoostooda ay sacadao badan ku jireen, iyadoona hada la geeyay isbitaal xaaladooda lagula tacaalayo.
Inta la xaqiijiyay 37-qof ayaa ku dhintay dhul gariirka ku dhuftay duleedka Caasimada dalka Taiwan, waxaa sidoo kale kooxaha gurmadka ay soo bad baadiyeen boqolaal qof oo ku hoos jiray dhismayaal soo dumay, waxaana wali baadi goob loogu jiraa dad kale oo nolol iyo geeri aan laheyn.

Dhismaha dhul gariirka dumiyay Dumay oo ka koobnaa dabaqyo badan ayaa lagu magaacbi jiray Wei-kuan complex, waxaan halkaasi ku noolaa boqolaal qof, dhul gariirkan ayaa dhacay xili habeen ah ay inta badan dadku hurdeen.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here