Dad iyo Daanyeero Dagaal Culusi uu Ku Dhexmarayo Degmada Baki

0
145

Hargeysa (SDN) Dagaal culus ayaa Degmada Baki ee Gobolka Awdal ku dhex maraya Dad  Beeraley ah iyo Kooxo Daanyeero ah, dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka bilaamay ka dib markii in ka baddan Labba Kun 2,000 oo Danyeer weerar ku soo qaadden Dadkan  Beerayley ah oo ku nool degmada Baki ee gobolka Awdal.

Waxa kale oo la sheegay in dagaalkani uu socday muddo Todobad ah isla markana Daanyeerada laga dillay Tirro aad u badan.

 

 

Dadkan Beeraleydaha ayaa Tiradooda lagu qiyaasay 150 kuwaasi oo iskaga kala yimid Degmada baki oo dhan.

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmadaasi ayaa Xaqiijiyey in weerarkaasi ay danyeeradu ku soo qaadden Dadka isla markana layska difaacay.

Waxanu sheegay sababta weerarkan keentay ku tilmaamay in ay tahay  Abaaraha Ba’an Ee Deegaankaasi Ka Dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here