Dabley Hubeysan Oo Sarkaal Ka Tirsan Wasaarada Amniga Ku Dhaawacay Magaalada Muqdisho

0
129

Muqdisho(SDN)Sarkaal ka tirsan wasaarada amniga ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhaawacmay rasaas lagu furay gaadhigiisa.

Agaasimaha waaxda sharciyeynta hubka ee wasaaradda amniga Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa seddex nin oo ku hubeysan bistoolado ku weeraray isagoo ku jira gaadhigiisa agagaarka guriga uu degan yahay ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalka ayaa dhaawaciisa lagu daweynayaan cusbsitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa saxaafada u sheegay in Siyaad ragga soo weeraray ay xabadaha kaga dhufteen qaarka sare iyo lugaha.

Ragga weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday.

Ma jirin wax ilaalo ah oo la socday agaasimaha waaxda sharciyeynta hubka ee wasaarada amniga qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here