Dabar Goyn La Doonayo In Lagu Sameeyo Beeyada Somaliland, Go,Aankii Xukumada Ee Ahaa Inaan Cadaan Danbe La Gayn Beeyada Oo Noqday Hal Bacaad Lagu Lisay Iyo Mulkiilaha Asli Maydi Oo Dabada Ka Riixaya.

0
1616

Haargeysa(SDN)Beeyadu waxa ay ka mid tahay khayraadka ilaahay ku manaystay Somaliland islamarkaasina waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ay Somaliland dabada udhoofiso, iyada oo ay taasi jirto ayaa waxa mudooyinkii udanbeeyay Somaliland ku sugan gabadh layidhaahdo Anjanette DeCarlo taasi oo la sheegay inay wado sun la doonayo inay ku mudo beeyada Somaliland uuna dabada ka riixayo mulkiilaha shirkada Asli maydi uuna doonayo in la sumeeyo beeraha kale ee ay ka soo go, do beeyadu si uu ula wareego suuqa, shirkadani oo ah mid madmadaw badani ku jiray mudooyinkii udanbeeyay islamarkaasina cida istidhaahd arinkaasi ka hadal lagula kaco cago juglayn iyo hanjabaad, ayaa wargeska BADHTAMUHU waxa uu ukuur galay sidii uu usamayn lahaa xaqiiqo raadin arintaasi ku saabsan.

 

Waxaa hore dowladdii Somaliland joojisay in ay dalka ay soo galaan dadyowga caddaanka ah ee gacan-saarka la leh sharikadaha beeyada ka ganacsada ee Asli Maydi iyo Somgum oo ay leeyihiin rag ood-wadaag ah oo kasoo jeeda deegaanka galbeedka gobolka sanaag, haddaba Anganette DeCarlo oo laga mamnuucay dalka ayaa mar labaad dib ugu soo laabatay waddanka iyada iyo koox ay hoggaaminayso oo uu hor-kacayo Barkhad Jibriil Xasan oo ah mulkiilaha sharikadda Asli Maydi, oo ah isagu ninka dabada ka riixaya mashruucan doonayana sumaynta dhirta beeyada ee gobolada bariga Somaliland oo looga shakiyay dabar jarka dhirtaasi. Shirkadan Asli Maydi ayaa wax-soosaarkeeda waxa inta badan uu ku kooban yahay saliidaha la marsado(natural oil), dhaashiyada(creams), saabuunaha(soap), shaambooyada (shampoo) iyo cadarrada (fragrance).

 

 

Waxa mudooyinkan ugu dambeeya muran culus ka taagan yahay nidaamkan wax soo saarka ee shirkada Asli Maydi oo lagu tilmaamay in uu yahay mid si khaldan dalka looga sharciyeeyay isla markaana ay dhoofiso qaybo kala duwan oo daroogada ah. Haddaba waxa jirta xog sheegaysa in mashruuc boqollaal milyan oo doollar ah ay kasoo qaateen haayadaha ka shaqeeya ilaalinta deegaanka, qolyo maafiyo ah iyo bangiga adduunka.

Dadka beeyaysatada ah ee ku dhaqan buuraleyda gobolka sanaaag waa kuwo ka qatan xuquuqdii muwaadinnimo ee Somaliland taasi oo ay sabab u tahay maamulka dowladinimo oo aan halkaa si dhammaystiran u wada gaadhin, ama hadii aan si kale u idhaahdo dowladda oo aan burco bariga u dhaafin. balse taa waxa u sii dheer hantida keli ah ee ilaahay ku uumay arligooda oo qolyo ay isku hayb yihiin uga faa’iidaysanayaan iyaga oo lacag yar kaga iibsanaya, dabadeedna malaayiin doolar dib ugaga iibinaya wershadaha waaweyn ee caalamka.

Ma jirto wax dan ah oo ay ku qabaan beeyadaasi, hanti iyo lacag ku filan lagama siisto beeyaysatada gobolka sanaag waa kuwo ka aradan, dayac iyo darxumo kagama ba’do oo kuma jahli baxaan, aabbaha iyo wiilkiisu waa labo isku mid ah oo aan waxba is dhaamin xaga aqoonta ee manta dunidu ku horumartay oo iyagu waabay ka dhaga xidhan yihiin dunida, Haddaba waxa is weydiintu tahay go’aankii dowladdu kaga mamnuucday barkhad in uu gabadhan keeno waddanka maadaama oo imaanshaheedii hore uu muran badani ka dhashay maxaa iska beddelay?

 

Xigasho Wargayska Badhtamaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here