Dab Xoogan oo qabsaday Dhismo aad u dheer oo kuyaala London

0
276

Dab xoogan ayaa qabsaday dhismo aad u dheer oo kuyaala magaalada London, waxaaana ku adkaatay kooxaha dab damiska magaalada London in dabkan xoogan oo socda saacado badan in ay si deg deg ah u damiyaan.

Sida laga arki karo sawiro iyo muuqaalo laga soo qaaday dhismaha gubanaya ayaa dabku wada gaaray, waxaana jirta cabsi laga qabo in uu dhismahaasi soo dumo uuna waxyeelo gaarsiiyo dhismayaal kale oo ku agyaala.

 

Dhismaha gubanaya oo lagu magacaabo Grenfell Tower ayaa ku yaalla xaafada Lancaster West Estate ee magaalada London, waxaana daminta dabkan xoogan ka qeyb qaadanaya labo boqol oo kamid ah gaadiidka dab damiska .

Inta badan dadkii ku jiray dhismahaasi iyo dad kale oo ka agdhawaa ayaa halkaasi laga daad gureeyay, waxaana jira dad ay waxyeelo kasoo gaartay dabkaasi oo qaarkod la dhigay xarumaha caafimaadka oo lagu daweenayo.

 

 

Qiica iyo holaca dhismahan gubanyaa ayaa laga arkayaa qeybo badan oo kamid ah magaalada London, waxaana Duqa magaalada London Saqiiq Khan uu ku tilmaamay dabkan mid weyn oo dhibaato ay ka dhalatay.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here