Dab Dhimasho & Dhaawac Badan Sababay Oo Qabsaday Isbitaal Ku Yaalla Magaalada Odisha

0
176

Ugu yaraan 22 ruux ayaa ku geeriyootey, ka dib markii dab xoogan uu qabsaday Isbitaal gaar ah loo leeyahay oo ku yaala magaalada Odisha ee dalka India.

Gaadiidka ambalaasta ayaa daad gureeyey illaa 120 ruux oo la dhigey Isbitaalo kale, si looga daweeyo dhaawacyo ka soo gaaray Dabkan.

Saraakiisha caafimaadka wadankaas ayaa sheegaya in 14 qof ay ku geeriyootay gudaha Isbitaalka uu dabku ka kacay, halka 8 qof oo kale ay saacado ka dib u geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaarey intii lala tacaalayey xaaladooda caafimaad.

 

Waxaa socda baaritaano Booliska dalka India ku sameynayaan sababaha kiciyey dabkan qabsaday Isbitaalkan, waxaana la arkayey booliska oo gacan siinaya dadka laga soo badbaadinayey dabkaas ee ku xayirnaa gudaha isbitaalka.

Daaqadaha Isbitaalka ayaa laga soo saarayey dadka ku xayirnaa gudaha kuwaasoo lagu soo dejinayay Jaraanjarooyin, ka dib markii albaabada laga geli waayay dabka oo xoog badnaa awgeed.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in dabkan uu ka kacay koronto, inkastoo aan la xaqiijin, waxaana shilalkan noocan ah ay yihiin kuwo ku badan magaalooyinka wadanka India.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here