DaawoSawirada “Gudoomiyaha Maxkamada sare oo dhaariyay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya !!

0
115

Muqdisho(SDN)Waxaa Maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kulanka ayaana ajendahiisu ahaa horkeenidda golaha wasiirrada Xukuumadda uu soo dhisay R/Wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka maanta oo ahaa ahaa kulankii 36-aad ee dhammaadka Kalfadhiya Shannaad ee Barlamaanka, waxaana shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka , waxaana kooramka kulanka uu ku furmay markii hore 220-Xildhibaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka hadlay natiijada cod bixinta ayaa sheegay in 213 xildhibaan ay maanta kulan goob jog ahaayeen, waxa uuna sheegay in 191-Xildhibaan ay codka kalsoonida siiyeen Xukuumada cusub halka ay diideen 22 xildhibaan

Ugu Danbayntii Gudoomiyaha Maxkamada sare ayaa dhaariyay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ee maanta helay codka kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya Waxaana la Filayaa In Maalama Soo Socda Xilka la wareegayaan Si ay u Shaqo Bilaabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here