Daawo Sawirro Naxtin leh ” Tahriibayaal Doontii ay Saarnaayeen la degtay Baddana ku daatay !!

0
232

Markab laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa bad baadiyay Bqolaal Tahriibayaal ah oo kusii jeeday dalka Talyaaniga, waxaana Mar qura dhinac u dhacday doon ay saarnaayeen in ka badan 550-qof oo Tahriibayaal ahaa.

Doonta ay saarnaayeen dadka Tahriibayaasha ah ayaa dhinac u dhacday kadib markii dadkii saarnaa doontaasi ay arkeen Markab doonayay in uu bad baadiyo, waxaana dadka oo hal dhinac u yaacay uu sababay in ay doonta dhinac u dhacdo.

Inta la xaqiijiyay 5-qof oo kamid ahaa dadkii doonta saarnaa ayaa shilkaasi ku dhintay, waxaana dadkii kale iyana bad baadiyay Markabka laga lahaa dalka Talyaaniga oo u daadiyay jaakadaha Bad baadad sidoo kale u diray doonayaha dadka lagu soo bad baadiyo.

Maraakiib laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo kuwa kale ayaa maalmihii lasoo dhaafay Badda Mediterranean-ka, kasoo bad baadiyay kumanaan qof oo muhaajiriin ah ayna ku jiraan dad Soomaaliyeed, kuwaa oo noloshooda ku biimeeyay sidii ay mar un Yurub u tagi lahaayeen.












LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here