Daawo Sawirro: Mid Ka Mid Ah Kooxihii Toogashada Ka Geystay München Oo Isdilay

0
118

Mid ka mid ah Saddexdii nin ee weerarka ka geystay caawa magaalada München ee dalka Jarmalka ayaa la sheegay inuu gacantiisa isku toogtay.

Saraakiisha amaanka ayaa goor dhow warkan u xaqiijiyey wakaaladaha wararka, iyagoo intaas ku daray in ninkan ay rasaastu gabaabsi ka noqotay,ayna isku dayayeen iney qabtaan balse uu madaxa xabad isaga dhuftay.

Booliska ayaa weli baacsanaya labo kale oo hubeysan kuwaasoo weli rasaas ka soo ridaya meelo ay ku dhuumanayaan.

Weerarka ayaa billowday kaddib markii rag hubeysan ay tacshiirad ku fureen maqaaxida ku dhex taala goob laga dukaameysto.

Howlgalka lagu soo afjarayo kooxda weerarkan geysatay ayaa weli ka socda magaalada München, waxaana illaa hadda la xaqiijyey geerida sideed ruux oo shacab ah iyo dhaawaca tiro kale.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here