Daawo Sawirro laga soo qaaday Jaziirad kutaala Dalka Kuwait oo laga qaxay 25-sano kahor !!

0
102

Jaziirada Failaka ee Dalka Kuwait waxaa laga qaxay sanadii 1990-kii, xiligaa oo Dowlada Ciraaq uu Madaxweynaha ka ahaa Saadaam Xuseen uu Weerar ku qaaday Dalka Kuwait, uuna la wareegay goobo badan oo dalkaasi kamid ah.

Waxaa kunoolaa Jaziirada Failaka dad gaarayay 2,000 qof, waxa ayna dadkii halkaasi kunoolaa ay isaga qaxeen markii Ciidamada Ciraaq ay xoog ku qabsadeen, Jaziirada ayaana waxii xiligaa ka dambeeyay dadkii kunoolaa aysan dib ugu laaban marka laga reebo dad aad u tiro yar.

Dhismooyinkii Jaziiradaasi kuyaalay ayaa qaar badan oo kamid ah bur buray, waxaa sidoo kale ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalkii Ciraaq ku qabsatay, waxaana wali la akayaa raadadka alaabtii iyo gawaaridii ay dadkii halkaa dagnaa uga qaxeen Jaziirada.

Jaziirada Failaka waxaa hada taga dalxiisayaal aad u yar , waxaana magaaladaasi kunool dad aad u yar kuwaa oo halkaasi ka furtay maqaayado ay jiifsadaan dadka dalxiisayaasha ah iyo goobo ay dagaan, waxaa sidoo kale halkaasi lagu tababaraa Ciidamada Dowlada Kuwait.















LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here