Daawo Sawirada Rabshado xoogan iyo dibad bax wali kasocda Magaalada Ferguson

0
119
A police officer holds his weapon as a protester is detained (rear) in Ferguson, Missouri, August 10, 2015. REUTERS/Rick Wilking

Magaalada Ferguson, Gobolka Missouri ee dalkan Mareykanka, waxaa ka taagan rabshado xoogan oo u dhaxeeya dadka madowga ah ee magaaladaasi kunool iyo ciidamada booliiska.

Habeenkii talaadada waxaa magaalada Ferguson, ka dhacay banaanbax lagu xusayay geerida dilkii loo geestay wiilkii madawga haaa ee Michael Brown,, waxaana banaanbaxaasi markii dambe isku badalay mid rabshado wata.

Ciidamada booliiska ayaa xiray qaar badan oo kamid ah dadkii dibad baxa dhigayay ka dib iska horimaad dhex maray dibad baxayaashan oo doonayay inay isugu soo ururaan bartamaha isgoys ciriiri badan iyo boolsika oo halkaa u tagay si ey u kala eryaan.

Magaalada Ferguson, Gobolka Missouri ee dalkan Mareykanka , waxa ay caan ku noqotay rabshado u dhaxeeya ciidamada booliiska oo u badan cadaan iyo dadka madowga ah ee Magaaladaasi ku dhaqan, waxa ayna rabshadahan ka dhasheen dilkii sanad kahor askari cadaan ah u geestay wiil madow ah.






 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here