Daawo Sawirada’’ Qawmiyada Maasai oo Uhuro Kenyaata ku soo dhaweeyay Hilib iyo dhaqan cajiib ah

0
149

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa booqday deegaanada ay ku nool yihiin qawmiyadda Maasai ee dalkiisa.

qawmiyadda Maasai ayaa ah qowmiyada ugu badan dhaqankooda uu ka hirgalay Dalka Kenya, waxaana inta badan dhaqankooda qaatay Salaadiinta Beelaha kale ee dalkaasi kasoo jeeda.

Uhuro Kenyatta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Boqolaal dad oo iyagu ka mideysan labiska iyo dhaqanka kuwaasi oo watay ulal, waxa ayna u badnaayen barbaarta gaashaaman.

Uhuro Kenyaatta ayaa soo dhaweyn kadib qowmiyadaasi kula kulma Deegaanka Mbirikani, oo ah degmo ka tirsan deegaanka Kajiado.

Uhuru ayaa la arkayay isagoo hilib cunaya islamarkaana loo xiray labiska ay caanka ku yihiin qawmiyaddaasi.









LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here