Daawo Sawirada’’ Qaar kamid ah Qaxootigii Suuriyaanka ee tagay Yurub oo la gaaleysiiyay

0
214

Iyadoo kumanaan qaxooti u dhashay dalalka Pakistaan,Syria iyo Liibya ay ku qulqulayaan dalalka Yurub, ayaa waxa ay shabakadaha ka faalooda arrimaha bulshada baahiyeen in qaarkood ay durbadiiba badasheen diinta Islaamka.

Dadka diinta islaamka ka baxay ee qaatay diinta Kirishtanka ayaa waxaa kamid noqday lamaanayaal oo iyagu goortii ay tageen magaalada Berlin ka baxay diinta.

Dadka la sheegay inay gaaloobeen waxaa kamid ah Maxamed Cali Zanoobi iyo xaaskiisa Afsaneh,lamaanahan ayaa hada qaatay magacyada Martin iyo Katrina.

Qaxootigan la sheegay inay gaaloobeen ma aha kuwo bilow ku ah balashada diinta balse waxaa jiro boqolaal kale oo kasoo jeeda dalka Iran oo qaatay diinta kirishtanka.

Baadarigii labadan lamaane kusoo dhaweeyay gaalnimada ayaa sheegay inay jirto sababo dadkan ku qasbaya inay gaaloobaan waxaana sababahaas lagu sheegay sidii ay sharci uga heli lahaayeen dalka Germany.

Baadarigu wuxuu sheegay in asbaabtu aysan muhiim ahayn ayna kusoo dhaweynayaan diinta masiixiga.


 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here