Daawo Sawirada Ninkii ugu Buurnaa Dalka Ingiriiska oo dhintay iyo Qaadista Meydkiisa oo dhib badan laga maray

0
155

Carl Thompson oo 33-sano jir ahaa ayaa loo aqoonsaday in uu ahaa Ninka ugu buuran dalka Ingiriiska, waxaana ninkan uu geeriyooday maalintii shalay kadib mudo sanad ka badan uu sariirta jiifay lana soo darseen xanuuno cayilku sababay.

Ninkan ayaa miisaanka Culeeskiisa lagu sheegay 65 stone, waxaana dhaqaatiir si gaar ah ninkan xaaladiisa ula socotay ay dhoor mar u sheegeen in uu u baahan yahay in miisaankiisa la dhimo si noloshiisa loo bad baadiyo.

Carl Thompson oo ahaa nin kaligiis nool wax lamaane ahna aan la heyn ayaa mudooyinkii dambe ahaa sariir jiif, waxaana arintaasi sabab u aheed culeeska miisaankiisa oo kordhay awoodi waayana in lugihiisa uu ku dhaqaaqo.

Saraakiil Caafimaad iyo dadyow kale oo gaaray guriga uu ku geeriyooday ayaa ku dhibtooday sidii ninkan aadka u buurnaa ay meydkiisa u soo qaadi lahaayeen, waxaana markii dambe lagu guuleestay in meydkiisa lasoo saaro dhismahaasi.

Carl Thompson oo bilo kahor la hadlay Telefishin la iska arko oo kuyaala Dalka Ingiriiska ayaa ka codsaday dadweynaha in ay gacan ka geestaan sidii miisaankiisa uu u dhimi lahaa uuna uga bixi lahaa dhibka cayilku u geestay.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here