Daawo Sawirada Muwaadinkii ugu yaraa oo British oo weerar is Qarxin ah ka fuliyay gudaha Dalka Ciraaq

0
145

Warbaahinta Dalka Ingiriiska ayaa si weyn u hadal haysa Wiil dhalinyaro ah oo kasoo jeeda Dalkaasi oo noqdday muwaadinkii ugu yaraa oo British ah oo fuliya Weerar ismiidaamin ah.

Talha Asmal oo ahaa 17 jir ayaa noqday Muwaadinkii ugu yaraa ee fuliya Weerar is qarxin ah, waxaana Wiilkan iyo rag kale oo lasocday oo watay gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay isku qarxiyeen goob ku dhow warshad sifeysa bartoolka oo kutaala Dalka Ciraaq, waxaana is qarxintaasi ku dhintay 11-qof.

Sawiro iyo Muuqaalo laga soo qaaday Wiilkan kasoo jeeda Britain iyo rag kale oo Weerarka la fuliyay ayaa lagu baahiyay baraha ay isticmaalaan Kooxaha Jihaad doonka ah, waxaana wiilkan uu u muuqday mid ku faraxsan weerarka isqarxinta ah uu fulinayay.

Wiilkan is qarxiyay ee kasoo jeeda Biritain ayaa gudaha Kooxda Daacish waxaa looga yaqaanay Abu Yusef al-Britani, waxa uuna wiilkan uu isaga soo cararay halka uu kasoo jeedo Dewsbury,West Yorkshire dalka Britain, waxa uuna ku biiray Kooxda Daacish isagoona ugu dambeyn ku dhintay weerar is qarxin ah uu fuliyay.






 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here