Daawo Sawirada Masiibooyinka Ka Dhaca Bada U Dhaxaysa Liibiya Iyo Taliyaaniga

0
314

Waxaa mar kale musiibo ka dhacday badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya, waxaana halkaasi saacadihii ugu dambeeyay ku dhintay dad tahriibayaal ay Soomaali ay ku jiraan oo gaaraya 800-qof kuwaa oo la dagtay doonidii ay saarnaayeen.

Bur burka doonta qoosatay ay saarnaayeen 900-qof ayaa saakay la geeyay dekada magaalada Catania ee Jasiirada Sicily ee dalkaasi Talyaaniga, waxaa sidoo kale halkaasi la geeyay 28-qof oo kamid ah dadkii saarnaa doontaasi oo lasoo bad baadiyay.

Dadka ku dhintay doontan dagtay waxa ay kasoo kala jeedaan badankood dalalka Soomaaliya, Eritereya iyo Siiriya, doontan qalibmatay ayaa la sheegay in Sabtidii lasoo dhaafay kasoo baxday dalka Liibiya isla markaana ay gadoontay habeenimadii Axadii.

Labo nin oo kamid ah dadkii laga soo bad baadiyay doontan dagtay oo kasoo kala jeeda tunuusiya iyo siiriya ayaa la xiray , waxaana ragan loo heestaa in ay kamid ahaayeen kooxihii waday doonida badda ku dagtay.

Maalmihii ugu dambeeyay biyaha u dhaxeeyay dalalka talyaaniga iyo liibiya waxaa ku dhintay dad badan oo muhaajiriin afrikaan ah , waxana arintan walaac weyn ku abuurtay midowga yurub oo yeelanaya khamiista shir weyn ay uga hadli doonaan qul qulka muhaajiriinta badda ku dhamanaeysa.








LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here