Daawo Sawirada” Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Maqele uga qeybgalay sanad-guuradii 40aad ee Ururka TPLF

0
141
Madax afrikaan ah oo uu kamid yahay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku sugan xarunta kililka Tigraay ee Maqele si ay uga qeyb qaataan xuska sanad guurada 40-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ururka qoomiyada Tigraay ee TPLF.

Xuskan oo u muuqda mid si weyn loo soo qaban qaabiyey marka loo fiiriyo xusaskii ka horeeyay ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah madaxda Afrika,diblomaasiyiiin iyo wakiilo ka kala socda caalamka.Madaxda magaalada Maqele ku sugan ee xuska ka qeyb galaysa waxaa kamid ah madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud,madaxweynaha Sudan Cumar Xasan al-Bashiir,madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele,Raysulwasaaraha dalka Uganda,madax ka socota dalka Koonfurta Sudan iyo gudoomiyaha ururka Midawga Afrika.

Ururka TPLF ayaa waxaa la aasaasay 1967 tirsiga Itoobiya oo ku beegan 1975 wuxuuna muda 17 sano ah isagoo kaashanaya ururkii Eritrea ee EPLF halgan hubaysan xukanka kaga tuuray taliskii macagaga ahaa ee Mengistu Xayle Maryam.Ururka TPLF ayaa markii uu xukunka la wareegay sameysaty ururo bahwadaag ah kuwaas oo ka kooban 4 urur oo ku dhisan qaab qoomiyadeed waxayna la baxeen EPRDF waana xisbiga hada haya talada dalka Ethiopia.






Login
Username

Password

Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here