Daawo Sawirada: Haweeney in ka badan 50-Saacadood ku hoos aasneed dhismo dumay oo la helay iyada oo nool

0
199

Dalka Nepal waxaa dhawaan ku dhuftay Dhul Gariir baaxadiisu aad u weynaa, waxaana dhul gariirkaasi ku dhintay Kumanaan qof , iyadoona wali ay socoto baadi goob loogu jiro in la helo dadkale oo nolol oo wali ku hoos jiradhismooyinka dumay.

Kooxaha Gurmadka u sameenaya dadka ku hoos aasmay dhismayaasha dumay iyo kuwa buuraha dushooda saaran ayaa ku guuleestay in ay helaan Haweeney in kabadan 50-saacadood ku hoos aasneed dhismo kusoo dumay.

Haweeneydan ayaa la sheegay in ay nooshahay, waxaana loola cararay goobaha caafimaadka si loo daweeyo, waxa ayna Haweeneydan in ka badan 50-saacadood ay ku hoos jirtay dhagxaan iyo dhismo kusoo dumay.

Dhul gariirka ku dhuftay Dalka Nepal waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 5-kun oo Qof, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadu intaasi kasii badato maadama ay wali jiraan kumanaan dad ah oon la heyn nolol iyo geeri.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here