Daawo Sawirada Gaadhi Ay UN Leedahay Oo Garoowe Lagu Qarxiyey

0
210

Wararka ka imaanaya Magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntiland ayaa sheegaya in goordhaw qarax xoogan laga maqlay afaafka hore dhismaha Hey’addaha UN-ka ee ku leedahay magaalada Garowe.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxu ahaa mid xoogan oo ka dhax dhacay mid kamid ah Gawaarida Hay’ada UN-KA , walina si rasmi ah looma oga in qaraxu ahaa mid gaariga lagu soo xiray iyo in kale.

Inta la xaqiijiyay 7-qof oo saarnaa gaariga qarxay kana mid ahaa Shaqaalaha UN-ka ayaa qaraxaasi ku dhintay , waxaana dadka dhintay shan kamid ah la sheegay in ay ahaayeen ajaaniib UN-ka u shaqeenaysay halka labada kalana ay Soomaali ahaayeen.

Ciidamada amaanka maamulka puntiland ayaa goobta qaraxu ka dhacay ee afaafka hore ee Xarunta UN-ka gaaray, waxa ayna gabi ahaan xireen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xaruntaasi, iyagoona baaritaan ku sameenaya qaraxa iyo waxa sababay.

Qaraxan saakay lagu weeraray Shaqaalaha UN-ka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo ka dhaca Magaalada Garawe , waxaana qaraxan saakay saameyn badan uu ku yeeshay Magaalada Garawe ee Xarunta Maamulka Puntiland.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe insha allah



 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here