Daawo Sawirada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada oo Muqdisho kusoo bandhigay Dhalinyaro ay Howgal kusoo qabteen

0
107

Howlgal balaaran oo ay iska kaashanayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada booliiska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa manta laga sameeyay xaafado katirsan Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalka ay ka sameeyeen xaafadaha Degmada Xamar Weyne waxa ay kusoo qab qabteen boqolaal Dhalinyaro ah oo ay uga shakiyeen in ay katirsan yihiin ama xariir la leeyihiin Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan looga gonleeyahay xaqiijinta amaanka degmada, isagoo shacabka ka codsaday inay ciidanka amniga gacan ku siiyaan xoojinta amniga iyo ka hortagga falalka ka dhanka ah amniga.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa mararka qaar Magaalada muqdisho waxa ay ka sameeyaan howlgalo ay kusoo qab qabtaan dhalinyaro badan ay ku tuhmaan in ay Shabaab katirsan yihiin , waxaana inta badan dib loo fasaxaa dhalinyarada la qabto marka baaris lagu sameeyo.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here