Daawo Sawirada” Boqor Salman Bin Cabdulcasiis oo booqasho kadis ah ugu tagay bukaanadii uu kusoo dumay Wiishku.

0
200

Boqor Salman Bin Cabdulcasiis oo ah Boqorka dalka Sacuudi Carabiya ayaa booqasho kadis ah ku tagay ilaa dhowr isbitaal oo ay ku jiraan inkabadan Boqol dhaawac oo ay waxyeelo kasoo gaartay Wiishkii ku dumay Masjidka Xaramka ee Makkah.

Boqorka ayaa min hal hal u gacanqaaday dhaawacyada isaga oo suaalo ka weydiiyay heerka uu gaarsiisan yahay Caafimaadkooda.

Inta uu boqorka ku guda jiray booqashada ayaa waxa uu qaabilay qaar kamid ah ehelada dhaawacyada si uu waxbadan uga ogaado xaalada dhaawacyada isbitaalada yaala.

Booqashada Boqorka ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo uu ku booqdo dad intaas la’eg tiradooda.







 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here