Daawo Sawirada Aas Qaran oo loo sameeyay Askartii Dowlada Imaaraadka Carabta looga laayay Yaman

0
176

Waxaa aas qaran dalka Imaaraadka Carabta loogu sameeyay 45-askari oo katirsanaa Ciidamada Dalkaasi, kuwaa oo maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay lagu dilay duqeyn lala beegsaday xero ay Dalka Yaman kaga sugnaayeen.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa shalay laga dajiyay meydadka askartaasi looga dilay Dalka Yaman, waxaana meydka askarta si diiran loogu soo dhaweeya garoon Diyaaradeed oo laga dajiyay , waxaana loo sameeyay aas qaran ay kasoo qeyb galeen Madax iyo saraakiil ciidan.

Sadax Maalin oo baroordiiq loo sameenayo askarta Dalka Imaaraadka Carabta looga laayay dalka Yaman ayaa kasocota Dalkaasi, waxaana hoos loo dhigay calanka dalkaasi ,si loo weyneeyo askarta Yaman uga dhimatay.

Gantaal ay Kooxda Xuutiyiinta la heleen goob hubka lagu kediyo ayaa waxaa ku dhintay 45-askari oo u dhalatay Imaaradaka Carabbta, 10-askari oo Sacuudiyaan ah, 5-askari oo iyana Baxreyn kasoo jeeda iyo tiro aan la shaacin oo katirsan Ciidamada Dowlada Yaman.

Diyaaradaha Imaaraadka Carabta ayaa wada duqeymo xoogan ay la beegsanayaan xarumaha ay Dalka Yaman kaga xoogan yihiin kooxda Xuutiyiinta si ay ugu aargudaan askarta tirada badan ee maalintii jimcaha dalkaasi looga dilay.





 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here