Daawo Qaabka ay u dhacday Xil wareejinta Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare

0
132

Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleyman, kaasoo xilka kala wareegayay guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare Mudane Avv. Caydiid Ilka-xanaf.

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa guddoomiyii hore ee Maxkamadda Sare Mudane Caydiid Ilka-xanaf, oo uu ku tilmaamay tiir ka mid ah tiirarka ugu waaweyn Garsoorka dalka, maadaama uu ka soo shaqeynayay ku dhowaad 60 sano howlaha Garsoorka, maantana uu baneeyey kursiga si sharaf leh oo Wadaniyadi ku dheehan tahay” ayuu yiri R/wasaare kuxigeenka.

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Abuukaate Ceydiid Cabdulaahi Ilka-Xanaf ayaa sheegay in garsoorka dalka uu u baahanyahay madax banaani, isla markaana xilka uu yahay mid meerto ah.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan kalsoonida bulshada Soomaaliyeed ee dhanka garsooka u soo celin lahaayeen, ayna kor u qaadayaan tayada howlwadeenada garsoorka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here