Culuum Muhiim Ah:- Kasbashada Ninkaaga/Sayigaaga 101

0
1715

Hargeysa(SDN) Akhriste waxaanu halkan kuugu soo gudbinaynaa culuum(cashar) ku saabsan arimaha bulshada,xidhiidhka qoyska,raali ahaanshaha Marwada iyo sayigeeda iyo waliba casharo badan oo u baahan waayo aragnimo weyn iyo waliba aqoon asaasi ah oo ku taxaluuqda Jacayl,Kalgacal,Isfahan iyo xogo muhiim ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Caharka ugu horeeya oo ah Kasbashada ninka(Sayiga) oo ah meel muhiim ah oo uu ka duulo qoyska kaasi oo noqonaysa meesha hagta ama hogaamisa qoyskaasi ku midoobay jacayl,kalgacal, iyo in ay iska xigtaystaan dadka kale taasi oo iba fur u noqonaysa in ay guulo waa weyn oo waara ka gaadhaan nolosha iyo mustaqbalka danbe ee ha hadhaya oo noqonaya in ay ka tagaan awlaad ku barbaartay jacayl iyo akhlaaqad.

 

Kasbashada Ninka ama Sayiga Waxay ku timadaa iyada oo ay gabadhu samayso in ay dhiiri galin u samayso sayigeeda iyada oo u muujinaysa Jacayl,Kalgacal iyo waliba in ay samayso fur-furnaan dheeraad ah oo ayna samayn jirin wakhtigii hore ee ay Inan-imada ahyad(Gabadh aan wali la guursan) taasi oo ka dhigaysa in ay kalsooni buuxda ka hesho sayigeeda oo fure u ah inuu waaro qoysnimadaasi.

 

Qodobada ugu muhiimsan ee la rabo in ay gabadhu samayso si ay u kasbato sayigeeda oo ah:-

 

•       Samee Is-qurxin dheeraad ah markaad la joogto sayigaaga.
•       Noqo mid u heelan Sayigeeda si aad u mashquuliso maskaxda Sayigaaga.
•       Samee kadis mac-quul ah oo dhiiri galin u noqonaya ninkaaga si uu ugu soo hirto kulankaaga iyo la joogistaada oo ka dhigaysa in uu ka maarmo meelo kale.
•       Maca-salamaynta iyo soo dhawaynta marka uu sayigaagu baxayo waxay ka dhigaysaa in uu Niyada kugu hayo mar kasta oo uu ka maqan yahay Guriga.
•       Cuntada uu jecel-yahay oo aad samaysaa waxay ka dhigaysaa inuu laasimo ama uu qabatin ka dhigo cuntada guriga oo uu la qaato marwadiisa iyo caruurtiisa(Ubadkiisa)
•       Sheeko,Kaftan, Iyo hawlihiina gaarka ah ee aad samaynayso waa in ay gaar noqdaan.

 

Dhamaan qodobadan oo aad samaysaa waxay iba-fur weyn u noqonaysaa in ay dhiiri galiso korna u qaado isku soo dhawaanshaha adiga iyo sayigaaga hadii aad marwo tahay oo aad ka fogaato wax kasta oo keenaya carqalad(dhib) waxay kor u qaadi doontaa isfahanka adiga iyo ninkaaga.

 

La Soco Casharka xiga oo aynu kaga hadli doono Jacaylka Dhalaanimo(Caruurnimo) Xasaasi.

 

Faalooyinkani waxay gaar u yihiin Shabakada Caalamiga ah ee SURADNEWS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here