Ciyaaryahan Yurub ka ciyaara oo Geeriyooday Isaga oo Garoonka ku dhax jira

0
125

Ciyaaryahan u dhashay dalka Cameron katirsanaa Xulka Wadankaasi iyo Kooxda Kubada cagta Dinamo Bucharest ee dalka Romania ayaa geeriyooday isaga oo garoonka ku dhax jira.

Patrick Ekeng, oo khadka dhaxe uga ciyaarayay kooxda Dinamo Bucharest, ayaa dhulka ku dhacy wax kayar 8-daqiiqo uu garoonka ku jiray kadib markii uu ciyaarta badal kusoo galay daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta.

 
Ciyaaryahanka ayaa markii uu dhacay kadib miir beelay waxaana si deg deg ah loola cararay isbitaal halkaas oo markii dambe lagu xaqiijiyay in uu geeriyooday Ciyaaryahanka khadka dhaxe ee kooxda Dinamo Bucharest , Patrick Ekeng.

Xiriirka kubada cagta dalka Cameron iyo Kooxda kubada cagta ee Dinamo Bucharest , ayaa wada xaqiijiyay in uu geeriyooday ciyaaryahanka Patrick Ekeng, oo 26-sano jir ahaa kana tirsanaa xulka kubada cagta ee dalka Cameron.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here