”CIRRO Iyo Raaskiisa Ayaa Ka Dambeeya Dacaayadahaas… Waxba Madaxtooyadu Iima Dhisayso..” Xildhibaan BUKHAARI

0
160

Hargeysa(SDN)Xildhibaan Saleebaan Cawed Cali Bukhaari oo kamid ah mudanayaasha aqalka Wakiiladda Ee Somaliland ayaa luuqad adag ku beeniyay warar sheegaya in Madaxtooyadu guri sadex dabaq ah uga dhisayso bariga magaalada Hargeysa.

 
Xildhibaan Bukhaari oo wareysi gaar ah Siinaya Somalilandtomorrow.com ayaa been abuur iyo dacaayado ku tilmaamay wararkaasi waxana uu tilmaamay in uu ka dambeeyo Gud. CIRRO Iyo weliba odayaal kasoo jeeda beesha gudoomiyaha,

 

 

 

”Guri sadex dabaq ah oo madaxtooyadu iidhasayo adeer wax jira maaha waa jago yar oo anigu aan lahaa oo beri hore aan nin kasiistay 6,000 oo Dollar iminkana aan guri yar ka dhisanyo 600,000 iyo waxaa ay sheegayaan ku bixi maayaan ee 50-kun wax ka yar baa ku baxaya anaana dhisanaya cidna iima dhisayso iimana maalgelinayso lacagta yar ee ku baxaysana deyn baaba wax laygaga leeyahay, mooshinadan iyo sheekooyinkana ka hor ayaan jagadan yar lahaa, markaa waa been qaawan waxba madaxtooyadu iima dhisayso.” Ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari

 
Xildhibaan Saleebaan Bukhaari waxa uu eedaymo iyo digniino is xambaarsan udiray gudoomiyaha aqalka Wakiiladda Mudanne Cabdirahmaan Maxamed Cabdulahi CIRRO, wuxuna yidhi:- ”Beenahaa iyo dacaayadahaana waxa ka dambeeya CIRRO iyo raaskiisa qoyskiisa hoose inamo yaryar oo kasoo jeeda, waana cadadooda inay dadka been abuur ka sameeyaan, Cirro wan uga digayaa isaga iyo raaskiisaba inay beenaha iga faafinayaan ka waantoobaan jagadayda yar ee 16/18-ga ah inay yidhaahdan dabaqyaa laga dhisayaa waa ceeb dee isagaa Ciro Dabaqyo loo dhisay aniga layma dhisin..”

 

 

 

Bukhaari oo hadalkiisa sii wata ayaa Yidhi.. ”Odaygii u horeeyay ee iyidhaahda guri baa laguu dhisayaa wuxu ahaa Xariir dhaka buur oo CIRRO adeerkii ah waanu iska soo hor jeednaa oo wuu ogyahay inay jaggo yar tahay, inamada yar yar in uu yidhaaho orda qora oo Bukhaari baa dabaq loo dhisayaa dheha iska horkeen weeye, Hadii CIRRO Reer-yahay oo inamadiisi iyo odayaashiisi sidaa u hadlayaan anba reer baan leeyahay oo Cidlo kamaan iman,”

 

Bukhaari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here