Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Oo Bilaabay Hawlgalka Lagu Kala Saarayo Muwaadiniinta Reer Somaliland Iyo Aajinabiga

0
223

Hargeisa(SDN)Guud ahaan amaanka magaaladda Hargeysa ayaa la adkeeyay iyada oo inta badan wadooyinka aad ku arkaysay ciidamo tiro badan.

imigiration

Sida oo kale waxa ay ciidanka socdaalku ay dhankooda baadhitaano iyo dabogalo ku hayeen hudheelada seexashada ah ee Hargeysa kuwaas oo ay ku soo dagaan dadka socotada ah, inkasta oo aanay xukuumaddu wax hadal ah ka soo saarin ciidanka amniga ee heeganka la galiyay hadana waxaad si sahlan magaaladda looga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada ciidanka.

 

 

 

Xuska maalinta qaranimo ee 18-ka May inkasta oo madaxweynuu uu magacaabay gudidii qabanqaabada hadana waxa muuqata in mudo bil ku dhaw haatan ay ka hadhsantahay, waxase laga yaabaa in amnigan sare loo qaaday uu la xidhiidho weerarada mandaqada ay ka gaysanayaan kooxda Al-shabaab oo wakhtigan ku jirta is muujin kadib markii inta badan gobalada Somaliya ay kaga awood bataadeen ciidanka AMISOM iyo kuwa dawlada Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here