Ciidanka Booliska Kenya Oo Lacag Dul Dhigay Haweeney Lagu Tuhun San yahay Alshabaab

0
174

Nairobi(SDN)- Ciidanka Booliska Kenya ayaa shaaciyey  Sawir haweeney lagu Magacaabo Rukia Mbarak Faraj oo ah  Xaaska Nin ka tirsan Al Shabab oo loo heysto Weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Mombasa waxana ninkasi la yirahdaa Ramadan Kufungwa.

 

Ciidanka Booliska ayaa dul dhigay gabadhas lacag dhan 2 Milyan oo ah lacagta Shilinka Kenya, Ciidanka Booliska ayaa  sheegay in Gabadhan ay ka dambeysay Weeraro bambo gacmed loo adeegsaday iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Magaala xeebedka Mombasa Ee Dalka Kenya.

 

Ciidanka Booliska waxa ay sheegen iney tuhunsan yihiin iney Ruqiya ku nooshahay Xeryaha qaxootiga Ee Waqooyi_Bari Dalka Kenya, Waxa ay Booliska sheegen sido kale iney ku lug leedahay Hub iyo waxyaabah qarxa oo laga soo geliyo dhinaca Soomaaliya waxa ayna qeyb ka tahay dad qorsheynaya Weerraro argagixiso sida uu qoray Wargeyska Dailynation.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here