Ciidamo ka tirsanaa kuwa dowlada oo Kharijiyay Gudoomiye ku xigeenkii degmada Buurdhuubo

0
188

Muqdisho(SDN)Ciidamo ka tirsanaa dowlada kuna sugnaa degmada Buurdhuubo ayaa waxa ay qorox dhicii maanta dileen Gudoomiye ku xigeenkii degmada Buurdhuubo.

Askari

Gudoomiye ku-xigeenka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cali Mataan, waxaana dilay Ciidamada militeriga dowlada ee ka howlgala degmadaasi.

Xasan Maxamed Cali oo ah Gudoomiyaha Buurdhuubo ayaa warbaahinta u sheegay in gudoomiye ku-xigeenkiisa la dilay xili ay isku dhaceen Ciidamado halkaasi ku sugnaa.

Sidoo kale, Col. Isaaq Nuux Xaaji oo u waramay warbaahinta ayaa sheegey in ciidamada diley ay ahaayeen kuwa dowladda, islamarkaasina lasoo qabtay raggii dilka geystey.

Wuxuu intaasi ku daray in lasoo xirey 3 askari oo lagu tuhunsanyahay falka, iyada oo midkoodna aad loosoo tuhunsanyahay maadaamaa qoriga ku dhacay guddoomiye ku xigeenka uu ahaa BKM uu isagu heystey ninka la tuhmay.

Reerka gudoomiyaha la dilay ayaa diiday in la aaso wiilkooda iyada oo aan la horkeenin Askarigii ku hubsaday rasaasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here