Ciidamada Puntland oo gubay maandooriye kala nooc ah oo howlgalo lagu soo qabtay

0
110

Saraakiisha amaanka maamulka Puntland ayaa qabtay Kartoono ay ku jireen maandooriyayaal ka ceyn ah kuwaasi oo la doonaayay in qaabab hoose looga ganacsado.

Maandooriyahaani ayaa waxaa qabtay ciidamada Booliska magaalada Boosaaso, waxaana lagu gubay saldhiga bartamaha magaalada Bosaso.

Maandooriyaha ayaa waxa uu ka koobnaa Sida Khamriga, Calaqa, Xashiishka iyo noocyo kale.

Saraakiisha ayaa sheegay in Puntland aysan raali ka noqon doonin in dhulkeeda lagu dhex iibiyo waxyaabaha maandooriyaha ah, waxa ayna u digeen ganacsatada faraha kula jira ka ganacsiga maandooriyaha.

Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ah Taliyaha booliska gobolka Bari oo saxaafada kula hadlay goobta lagu gubayay maandooriyaha ayaa sheegay in 85 dhalo oo khamri ah iyo maandooriyaal kale oo laga keenay dalka Itoobiya ay bur-buriyeen isla markaana dadkii watay la xakumay oo loo dhaa-dhiciyey saldhiga weyn ee magaalaada Bosaso.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here