Ciidamada Kenya oo fashiliyey qaraxyo laga fulin lahaa dhismaha Garden City Mall ee Nairobi

0
207

Ciidamada Booliska iyo Militeriga Kenya ayaa ka hortagay weerar lala damacsanaa in lagu qaado Mall-ka “Garden City Mall”, oo ku yaal bartamaha Nairobi.

Ciidamada oo adeegsanaaya xogo kala duwan oo ay ka heleen wardoonkooda ayaa waxaa u suuragashay inay Fashiliyaan weerarkaasi oo la qorsheeyay in lagu ololiyo Xaruntaasi.

Qaraxyadaani ayaa waxa ay Ciidamadu ku qabteen ruux lugeeynayay oo watay boors ay ku jireen waxyaabaha qarxa xili uu doonayay inuu gudaha u galo Mall-ka.

Ninkan ayaa saacadu markeey ahayd 4:00 shalay isku dayay inuu gudaha u galo Mall-ka, balse waxaa qabtay ciidamada amaanka oo ka shakiyay hab dhaqankiisa, sidoo kale ninkaan ayaa sida la sheegay waxa uu watay Remote Kontrol oo sida muuqatay uu doonayay inuu u adeegsado qarax.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here