Ciidamada Dowlada Soomaaliya Oo Soo Afjaray Howlgalkii Hotelka Maka Al-Mukarama

0
110

Muqdisho(SDN)Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gaashaan ayaa goordhaw ku guuleestay in ay soo afjaraan Weerarkii rag katirsan Al-Shabaab shalay galab ku galeen Hotelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Wariye kusugan Hotelka ayaa goordhaw noo xaqiijiyay in Ciidamada Nabad Sugida ay si buuxda ula wareegeen Dhismaha Hotelka ayna gudaha u galeen, waxaana hada istaagtay rasaastii laga maqlayay Gudaha Hotelka.

Ciidamo katirsan booliiska gaar ahaan kuwa qaabilsan Miinada ayaa goordhaw gudaha u galay Hotelka ,kuwaa oo baaraya in waxyaabo qarxa ay ku dhax jiraan Gudaha Hotelka iyo in kale, waxaana hada xaalada u muuqataa mid dagan.

Qaar kamid ah Qolalka Hotelka ayaa laga soo saaray Meydadka dadka ku dhintay Rasaasta iyo qaraxyada shalay galab ilaa saakay kasocotay Gudaha Hotelka, waxaana qeybo badan oo Hotelka daadsan dhiig badan .

Saraakiil iyo Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa la filayaa in goordhaw ay Warbaahinta kula hadlaan Dhismaha Hotelka ayna ka warbixiyaan qasaaraha ka dhashay Weerarka AL-Shabaab saacado badan ku heesteen Hotelka Maka Al-Mukarama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here