Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo goordhaw la wareegay Deegaanka Buq-Aqable

0
134

Ciidamo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo katirsan AMISOM ayaa goordhaw la wareegay Deegaanka Buq-Aqable ee Gobolka Hiiraan, halkaas ay horey u maamulayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada ee qabsaday Deegaanka Buq-Aqable ayaa sheegay in howlgal aan dhiig ku daadan ay deegaankaasi kula wareegeen, waxa uuna intaa raaciyay in Dagaalyahandii Al-Shabaab ay deegaankaasi heestay ay goba isaga baxeen.

Waxa kale uu sheegay Sargaalkan katirsan ciidanka Dowlada ee la wareegay Deegaanka Buq-Aqable, in ay raad gurayaan kuna daba jiraan dagaalyahanadii Al-Shabaab ee horey ugu sugnaa Deegaankaasi, kuwaa uu sheegay in ay baxsad ku jiraan.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa howlgalo balaaran maalmihii lasoo dhaafay ka waday qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan, Ciidamada ayaana Al-Shabaab kala wareegay Deegaano dhoor ah ay horey kooxdaasi u maamuleysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here